Koox Burcad Ah Ayaa Toogasho Ku Dilay Sibusiso Radebe Oo Ahaa Xildhibaan Ka Tirsan Xisbiga Anc Ee Dalka Koonfur Africa.

Madaxa Iyo Lugta Ayaa Laga Toogtay Kaddib Markii Qofka Laga Shakisan Yahay Uu Ka Dalbaday In Uu Kusoo Wareejiyo Taleefankiisa Gacanta, Sida Uu Warbaahinta U Sheegay Qof Ka Mid Ah Qoyska Xildhibaanka.

Arrintan Ayaa Ka Dhacday Magaalada Roodepoort Ee Ku Taalla Koonfur Afrika, Waxaana Falkan Si Weyn Uga Cadhooday Qoykiisa.

Sidda Ay Xaqiijiyeen Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Koonfur Afrika Falkan Waxaa Geystay Koox Loo Malaynayo In Ay Yihiin Budhcad, Iyaga Oo Meesha Ka Saaraya In Dilkan Lala Xidhiidhiyo Siyaasad.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga