Xiisadda ka taagan marinka qaza ayaa kor usii kacaysa, xili xoogaga falastiiniyiinta ee marinka qaza iyo ciidamada isra’iil ay jibaareen weerada ay qoloba qolada kale ku qaadayso.

Inta badan 250 gantaalo yaryar ah ayay falastiiniyiintu la beegsadeen deegaada koonfurta israel halkaas oo ay burburiyeen guryo, lagana soo sheegayo khasaare dhimasho iyo dhaawacba ah. Warbaahinta israel ayaa sheegaysa in hal qof uu ku dhintay gantaalada.

Ciidamda israel ayaa duqamo aan kala go’ alahayn ka gaysanay magaalada qaza, iyagoo beegsanaya wax ay ku sheegeen fadhiisimaha ururka xamaas.

Tiraba 4 qof oo shacab falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay weerada israel, sida sheegtay kooxda xamas oo maamusha marinka qaza.

Iskudhacyadan cusub ayaa laga cabsi qabaa in ay horseedaan isku dhacyo kale oo culus, iyadoo ay tanna atahay markii ugu horeysay ee mudo snaado ah ay weerada labada dhinac halkaa gaadhaan.

Xoogaga falastiiniyiinta ayaa ka cadhooday falal ka dhan ahaa oo ay maalintii jimcaha u gaysteen ciidamda israel, xili ay ka mudaharadayeen go’doominta saaran deegaanka.

Xiisadan ayaa manaysa xili ay socdaan dedaalo gaabis ah oo ay wadaan qaradma midoobay iyo dalka masar.

Kuwaas oo ay ku heshiisiinayaan labada dhinac, si ay u gadhaan xabad-joojin waarta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga