Waxaa Isasoo Taraya Xiisada Ka Dhextaagan Shacabka Ku Dhaqan Degmada Beled-Xaawo Ee Gobolka Gedo Iyo Dowladda Kenya, Kasoo Salka Ku Haya Darbi Kenya Ay Ka Dhiseyso Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliya.

Qaar Ka Mid Ah Dadka Deggan Beled Xaawo Ayaa Ku Eedeeyay Dawladda Kenya In Ay Damacsantahay In Ay La Wareegto Dhul Ka Tirsan Soomaaliya.

Dowladda Kenya Ayaa Arrintaasi Beeninaysay, Iyada Oo Sheegtay In Ay Adkeynayso Amnigeeda, Islamarkaana Aysan U Socon Dhul Ka Baxsan Kenya.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Ayaa Ugu Baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya In Ay Ka Hadasho Arintani, Isaga Oo Sheegay In Saraakiisha Dawladda Kenya Sheegeen In Amarka Darbiga Lagu Dhisayo Uu Bixiyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Ilaa Iyo Hadda Dowladda Soomaaliya Kama Aysan Hadal Cabashada Shacabka Ku Dhaqan Degmada Beled-Xaawo Oo Sheegaya In Dhismaha Darbigan U Soo Gaadhay Badhtamaha Degmada Boqolaal Guryo Soomaaliyeed Ahna Gudaha U Galleen Xadka Kenya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga