Diyaaradha dagaalka ee dalka Hinida ayaa gudaha u gallay dalka Pakistan, Halkaas oo ay ka fuliyeen duqaymo.

Diyaaradaha Hindia ayaa beegsanayay kooxda jem oo fadhigeedu yahay Dalka  Pakistan, weeraro hubasyana ka geysta hindia.

Wasaarrada arimaha dibadda ee dalka Hindia ayaa xustay in ay diyaaradaha Hindia fuliyeen hawlgal ay Ku beegsanayaan kooxda jem oo dhawaan tobanaan askari oo Hindiaan ah ku dishay deegaanka kashmiir.

In kabadan 40 askari oo ka tirsan booliska Hindia ayaa 14-kii bishan aynu Ku jirno lagu dilay deegaanka kashmir, taas oo xumaysay xidhiidhka labada waddan ee ku hubaysan nukliyeerka.

HIndia ayaa Pakistan ku eedaysay masuuliyadda weerarkaas oo ay iska fogaysay xukuumadda islam.

Afhayeen u hadlay ciidmada cirka pakistan ayaa tibaaxay in diyaaaradaha Hindia ay kusoo xadgudbeen si dhakhso ahna ay uga saareen hawada Pakistan, balse xoghaayha arimaha dibada Hindia ayaa sheegtay in hawlgalkoodii ay dhamaysteen ciidamada dalkiisu.

Raysal wasaaraha dalka Hindia Narendra Modi  ayaa weerarkii askartiisa lagu laayay kadib wacad ku maray in ay ka aargoosan doonan kooxihii weerarka soo qaaday oo uu sheegay in pakistan ay taageero ka helaan.

Wali ma cada halka ay saldhigan doonto xiisada ka dhextaagan labada waddadan ee jaarka ah.

Pakistan iyo Hindia labaduba waxay ku hubaysan yihiin hubka wax gumaada ee nukliyeerka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga