Xeer Ilaalinta Sucuudiga Ayaa Sheegtay In Dilkii Wariye Jamal Khaashuggi uu Ahaa Ku-Talo-Gal Sida ay Ku Warameen Wakaaladaha Wararka Ee Reuters Iyo AFP Oo Xiganaya Warbaahinta Sucuudiga.

“Macluumaadka Laga Helayo Maamulka Turkiga Waxay Muujinayaan In Kiiska Khaashuggi uu Ahaa Mid Qorshaysan,” Ayaa Lagu Yidhi Bayaan Kasoo Baxay Xeer-Ilaalinta Oo Sii Dhexmarisay Wakaalada Wararka Sucuudiga.

“Xeer Ilaalinta Qaranku Waxay Sii Wadaysaa Baadhitaanka Wax Kasta Oo Shaki Ku Jiro Si ay u Dhamaystirto Maxkamada Cadaaliga Ah,” Ayaa Lagu Yidhi Bayaanka.

Dhanka Kale, Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka Ee CIA-Da Gina Haspel Ayaa La Sheegay in ay Dhagaysatay Codka Xaqiijinaya Dilka Khaashuggi, Mrs Haspel Ayay Masuuliyiinta Turkigu u Ogolaadeen In Ay Dhagaysato Codka Intii ay Ku Guda Jirtay Booqashadadeeda Turkiga Horaantii Todobaadkan.

Jamal Khaashuggi Oo Deganaa Waddanka Maraykanka Isla Markaana Si Wayn U Dhaliili Jiray Dawladda Sucuudiga Ayaa La Dilay Intii uu Ku Guda Jiray Booqasho uu Ku Tagay Safaarada Sucuudiga Ee Turkiga.

Madaxa CIA-da Ayaa Isniintii u Safartay Dalka Turkiga Halka Maalintii Arbacada uu Baahiyay Wargayska DAILY Sabah. Ee Kasoo Baxa Dalka Turkiga In Mrs Haspel ay Dhagaysatay Codka Muujinaya Dilka Khaashuggi.

Sucuudiga Ayaa Wajahaya Mawjado Eedaymo iyo Cambaarayn Ah. Oo uga Imanaya Wadamada Caalamka Oo ay Ku Jiraan Saaxiibadiisa Reer Galbeedka Sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska Iyo Jarmalka. Oo Ku Cadaadinaya In Wax Kasta Sida uu Yahay Loo Sheego.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga