xayiraadaha joogta ah ee ku socda Qatar oo ay wadaan kooxo Sucuudiga uu hogaaminayo ayaa ah “wax aan waxba tarayn”, ayuu yiri amiirka Qatari, isaga oo ka digay in dhibaatooyinka muddada dheer ay wiiqayaan ammaanka iyo dhaqaalaha gobolka.

 
Sacuudi Carabiya, UAE, Bahrain iyo Masar ayaa xidhay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Qatar 5-tii Juun 2017-kii, waxayna ku soo rogeen xayiraad dhul,Cirba ah iyaga oo ku eedeeyay taageerada “argagixisanimo”. Qatar ayaa marar badan diidey eedeymahaasi.

 
“Waxay ahayd qalalaase lagu wiiqayo amniga gobalka, ayuu Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ka sheegay shir weyn oo ammaanka lagu qabtay Germany Jimcihii.

 
In kasta oo tallaabooyinka looga soo horjeedo, Qatar waxay soo saartey waddooyin cusub oo caalami ah iyo xoojinta kala duwanaanta dhaqaalaha, ayuu yiri Sheekh Tamim.

 
Bishii Juun 22, 2017, afartan shuruudood oo ay soo saareen, oo ay ku jiraan xidhitaanka shabakadda warbaahinta ee Al-Jazeera, oo xaddidaya xidhiidhka Iran iyo in la dhoofiyo ciidammada Turkiga ee saldhiga ku leh dalka Qatar.

 
Qatar ayaa diiday dhammaan dalabaadka, iyaga oo ku tilmaamay inay isku dayayaan in ay jabiyaan madax-bannaanideeda.

 
“Waa arrin muhiim u ah danaha dadka Bariga Dhexe si loo hubiyo madax-bannaanida dowladaha sida Qadar,” Sheilkh Tamim ayaa ka sheegay cinwaankiisa Amniga ee Munich.

 
Qatar waxay horumarinaysaa warbaahinta xorta ah

 

Inkasta oo shir caalami ah uu ka socdo Jarmalka, mid kale oo aysoo soo qabanqaabiyeen afarta waddan ee xayiraadda saaray dalka Qatar ayaa lagu qabtay Jimcihii magaalada Munich, ujeedada shirku waxay ahayd in lagu dhiirigeliyo cunaqabateynta ka dhanka ah Qadar.

 

shirka waxaa ka buuxsamay haween dhalinyaro ah kuwaas oo sheegay in ay inta badan ka yimaadeen Bariga wadamada Yurub

 

“Mid ka mid ah ayaa akhriyay bayaan ay soo saartay

 

“Waxaan jeclaan lahaa in aan ka hadlo arin aan la yaabanay oo ah waxa ka socda gobolka waxaanan qabaa in Jarmalka, Europe iyo adduunka oo idil ay
dhex-dhexaadinta Qadar iyo wadamada gacanka carabka ay joojiyeen,

 
falanqeeye sare oo ka tirsan hay’ad fadhigeedu yahay Washington, ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Hindiya in ay joojiyaan saliidda iyo gaasta laga iibsado Qadar.

 

Kulamo isku mid ah ayaa weli ka socda meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin waddamo badan oo yurub nalse wax natiijo ahi kamaysoo bixin

 

Inta badan dhacdooyinka waxaa la sheegay in ay sameeyeen ama ay maalgeliyeen kooxda Sucuudiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga