Wefti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Madaxwaynihii Horre ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ahna Gudoomiyaha Xisbiga UPD ayaa gaadhay Magaaladda Graoowe ee Caasimadda Maamulka Puntand.

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi deni ayaa garoonka Diyaaradaha Kusoo Dhaweeyay Madaxwaynihii Horre ee Soomaaliya Xassan sheekh Maxamuud oo ka Qayb Galaya Caleemo Saarka Madaxwaynaha iyo Kuxigeenka Puntland taas oo La Filayo in Maalinta Beri ay ka dhacdo Magaaladda Garoowe.

Qaar Kamda Madaxda Dawlad Gobaleedyadda, Wasiiro ka Tirsan Dawladda Federaalka iyo Waliba Xildhibaano ka Tirsan Labadda Golle ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Horre Loogusoo Dhaweeyay Magaaladda Garoowe.

Wefti uu Hogaaminayo Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la Filayaa in uu Saacadaha soo socda soo gaadho Garoowe.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga