Goobihii ugu Horeeyay ee cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Xiliga dhaxe ee Dalka Maraykanka ayaa la furay deegaanka Vermont. iyo Gobolo kale oo badan oo ku yaala Xeebta Bariga Dalkaasi.

Tobanaan milyan oo cod-bixiye ayaa la filayaa in ay codkooda dhiibtaan, iyaga oo Dooran doona 435 xubnood oo ka mid noqonaya Aqalka Congress-ka iyo 35 kursi oo ka mida 100 kursi ee senate-ka.

Habeenimadii Isniinta, Madaxwayne Trump wuxuu soo saaray Fariintisii ugu dambaysay ee uu codbixiyeyaasha u diray, isaga oo laban-laabaya weerarkiisa ku aadan Muhaajiriinta kunool gudaha dalka Maraykenka, kuwaas oo caqabad ku ah Madaxwayne Trump hadii ay Codkoodda siiyaan Xisbiga Dimuqraadiga.

Doorashadan hadii looga adkaado Xisbiga talada haya ee Jamhuuriga waxay wiiqi doonta awooda Madaweynaha taas oo xadidi doonta inu fuliyo siyaasadiisa, isla markaan ku adkayn doonta inu taageero ka helo Aqalka Wakiilada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga