Ugu yaraan todoba Kiniisadood oo ku yaala deegaan lagu magacaaabo alaba kulito oo ka tirsan gobolka Shucuubta Koonfureed ee Dalka itoobiya ayaa la Weeraray.

Kiinasadaha ayaa dab la Qabadsiiyay Maalintii Axada Halka Kuwo kalana la burburiyay.

Deegaanka ay Rabshaduhu ka dhaceen ayaan looga Baran in Rabshado noocan oo kale ah in ay ka dhacaan, waxaana uu ahaa degaan Degen, Balse Rabshadahan cusub ayay warbaahinta dowladda Itoobiya sheegaysaaa in ay ka  dhasheen markii warar been abuur ah lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayo in Tiro Masaajido ah la weeraray.

Inkasta oo deeganakan lagu yaqaanay degenaansho, Hadana Sanadkii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Gobolka Shucuubta Koonfureed waxa ka dhacay Dagaalo Waawayn oo u Dhexeeeyay Qabaa’ilka wada Daga Gobolkaas, Colaadahaas Waaxa Ku Barakacay Dad Gaadhaya Tobanaan kun oo Qof.

Tan iyo intii uu xukunka Qabtay Ra’iisul Wadaaraha itoobiya abiy ahmed waxa dalka itoobiya kusoo noq-noqonayay Rabshadaha iyo isku dhacyada Hubaysan ee u dhexeeya Qabaailka Kala Duwan ee Wada Dega Dalka itoobiya. Iyadoo Mararka Qaarna ay Maamuladu isu eedaynayeen Hurina Colaadaha isirka ku Saysan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga