Jouma iyo reerkoodu waxay ka ordayeen dagaalka Suuriya sannadkii 2018-kii, markii diyaaradi duqaysay gaadhi bas ah oo ay saarnaayeen, wiilka yar, ayuu dhaawac xooggani soo gaadhay, kaasoo sababay inuu indhaha beelo.

Warkan oo aannu kasoo xigannay BBC qaybta luuqadda Ingiriisida ee dibadaha la hadasha, ayaa weriyihii soo tebinaysay oo layidhaa Eloise Alanna sheegtay, in dhibta soo gaadhay wiilkan yari ina tusayso dhibaatada dagaalladdu ku hayaan carruurta yar yar.  

Wuxuu ahaa saddex jir markii dhibtu soo gaadhay, daaqaddii baska ee u dhawayd, ayaa ku burburtay wejigiisa, taasoo sannad kadib uu marar dhiigo, quraarado yaryarna jidhkiisa lagu arko. imika isaga iyo qoyskooduba waxay kunool yihiin dalka Labnaan,

gaar ahaan caasimadda Bayruut, waa qaxoonti Suuriyaan Kurdi ah, oo kunool makhsin yaroo cidhiidhi ah, kuwaasoo yiqaanna luuqadda Kurdida oo keliya, taasoo aanay kula hadli karin oo aanay ku dhex geli karayn dadka carabta ah ee ay dhulkooda usoo Qaxeen.

Tirada qaxoontiga reer Suuriya ayay qaramada midoobay kusheegtay inay yihiin hal malyuun oo ruux,balse dawladda dalka Labnaan, ayaa sheegaysa inay tiradu intaas kasii badan tahay.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga