Magaaladda Muqdisho Waxaa Lagusoo Dhaweeyay Wefti Balaadhan oo ay Hogaaminayso kaaliyaha xoghayaha guud ee QM U Qabilsan Arrimaha siyaasadda, Rosemary DiCarlo.

Weftigan ayaa Waxaa Dalka Kusoo Dhaweeyay Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Kheer, iyadoo Ujeedadda Waftigani ay Tahay Sidii Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga Wadda Hadli Lahaayeen  Xalinta Khilaafkii ka dhashay Caydhintii wakiilkii QM, Nicholas Haysom.

Dhinaca Kale Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa Ku Qabilay Weftigan ay Hogaaminayso Mss DiCarlo.

Ms DiCarlo ayaa la Filayaa in ay madaxda Soomaaliya kala hadli doonto, sidii ay QM iyo Soomaaliya u wada shaqeyn lahaayeen, isla markaana loo xallin lahaa murankii dhacay.

Imaanshaha kaaliyaha xoghayaha guud ee QM U Qabilsan Arrimaha siyaasadda,  Rosemary DiCarlo Ayaa sidoo kale billow u noqon doono dib u Hawlgalinta howlihii xafiiska QM ee Soomaaliya.

Inta badan, shaqalaaha QM ee Muqdisho ayaa ku sugnaa magaalada Nairobi muddo bil, sababo lagu sheegay amni Xumi soo Waajahday, kadib weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee lagu qaaday xafiiska QM ee xarunta Xalane, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in arrimo siyaasadeedna aanay meesha ka Maqnayn.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga