Madaxweynaha dalka kenya Uhuru Kenyata ayaa si rasmi ah u shaaciyay in lasoo afjaray hawlgalka weerar lagu qaaday huteelka DusitD2 oo ku yaala galbeedka magaalda nairobi.

Madaxweyne kenyaata ayaa sheegay in la la’yahay dadkii weeerarka geystay, isagoo bogaadiyay ciidamadii ka hawlgalay weerarka.

Saraaakiisha ammanka ayaa weerarka ka dib sheegay in lasoo afjaray hawlgalka ciidanka, balse maanta oo arbaca ah ayaa la maqlayay dhawaqa rasaasta iyo qaraxyo ka dhacaya huteelka la weeraray.

Wasiirka amniga gudaha kenya ayaa dhankiisa tibaaxay in dhismaha huteelka ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada ammaanku.

Madaxweyne uhuru kenyatta ayaa tibaaxay in 14 qof ay ku dhinteen weerarka halka in kabadan 700 oo qofna ay soo badbaadiyeen ciidanku.

Dadka dhintay waxa ku jira dad ajanabi ah oo u dhashay wadamada ingiriiska iyo maraykanka. Safaarada ameerikaanka ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah muwaadiniinta maraykanka lagu dilay weerarka.

Laanqeyrta cas ee dalka kenya ayaa iyaduna xustay in dadka dhintay ay gaadhayaan 24 qof.

Maalintii shalay ahayd ayay dablay hubaysani weerar ku qaaday huteelka dusitD2 oo ku yaala degmada westlands ee galbeedka magaalada caasimadda ah ee nairobi.

Weerarka ayaa bilabmay abaara 3dii galabnimo iyadoo dablaydu bambooyin ku tuuray gawadhi taalay baarkinka huteelka, kadibna waxay gudaha u galeen dhismaha.

Kamardaha qarsoon ayaa duubay raga weerarka geystay oo galaya dhismaha.

Kooxda alshabab ee dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Huteelka dusitD2 ayaa ka kooban 101 qol, waxa sidoo kale uu leeyahay maqaaxiyo laga cunteeyo. Wuxuu ku yaala xaafad dhacda galbeedka magaalada nairobi oo ay degaan dadka hodanka ahi. Inta badan, dadka ladan ayaa iman jiray huteelka, sidoo kale waxa lagu yaqaanay in ay fadhiistaan dadka madaxda ah.

Bishii september sanadkii 2013-kii ayay kooxda alshabab weerar sidan oo kale ah ku qaaday dhisme laga Tukaamaysto oo ku yaalay magalada nairobi, halkaaas oo ay ku dileen 67 qof.

Ururka alshabab ayaa hore u sheegay in inta ciidamada kenya ay ka hawlgalayaan gudaha Somaaliya aanay joojin doonin weerarada ay ka gaysanayaan gudaha dalka kenya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga