Tirada dhimashada ayaa kor u sii kacaysa kadib markii qarax xoogan uu ka dhacay magaalada kaabuul ee caaasimadda dalka afkaanistaan.

Ugu yaraan 43 qof ayaa ku dhintay halka dad gaadhaya 20-kalena ay dhaawacmeen kadib markii rag hubaysan ay rasaas huwiyeen, boqolaal qof ayaa iskugusoo ururay halka uu weerarku ka dhacay oo ahayd meel ay ku yaalaan xafiisyo badan oo ay leedahay dawladda Afgaanistaan oo uu ku jiro dhismaha wasaarada hawlaha guud.

Ragg hubaysan ayaa dabaq-dabaq u fuulayay dhismaha wasaarada iyagoo rasaas la dhacayay dadka shaqaalaha ah.

Dadka dhintay waxa ku jiray taliye ciidan iyo saddex ka mid ah ragii weerarka fuliyay oo ay toogasho ku dileen ciidamda ammaanku, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaarada arimaha gudaha ee dalka Afgaanistaan.

Weerarka ayaa dhacay galinkii danbe ee maalintii isniinta iyadoo qarax lala eegtay dhismaha wasaarada, kadibna ay rag hubaysani xoog ku galeen dhismaha oo ay ku laayeen dad tirada badan.

Ciidamada ammaanka dalka afkaanistaan ayaa ka dabagalay dhismaha, si ay u badbaadiyaan nolosha dad gaadhayay 350 qof oo ku sugnaa gudaha dhismaha.

Wali ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarkan oo kamid noqonaya kuwii ugu dhimashada badnaa in tii lagu jiray sanadkan ee ka dhaca magaalada caasimadda ah ee kaabuul.

Kooxda taalibaan ayaa inta Badan qaraxyada ka fulisa dalka Afgaanistaan gaar aahaan caasimada kaabuul, iyadoo kooxdu maamusha wax ku dhaw kala badh dalka afkaanistaan.

Mashaqadan ayaa imanaysa hal maalin kabacdi markii madaxweyne ashraf gaani uu laba masuul oo hore uga tirsnaan jiray sirdoonka u magacaabay wasaaradaha arimaha gudaha iyo gaashaandhigga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga