Nin Ayaa Rasaas Ku Furay Dad Ku Cibaadaysanayay Macbad Yuhuudu Leeday Oo Ku Yaala Dalka Maraykanka, Wuxuuna Halkaasi Ku Dilay 11 Qof Weerar Lagu Sheegay Kii Ugu Xumaa Noociisa Ee Yuhuud Lala Beegsado Taariikhda Maraykanka.

Robert Bowers Oo Ah 46 Jir Cadaan Ah Ayaa Dhaawacay 6 Kale Oo Ay Ku Jiraan 4 Police Ahi Kadib Rasaas Ay Iswaydaarsadeen Intii Weerarku Socday.

Dhibanayaasha Weerarka Ayay Saraakiishu Sheegayaan in ay Da’doodu U Dhaxayso 54 ilaa 97 Jir.

Macbadka ay Dadkani Ku Sugnaayeen Xiliga Weerarku Dhacay, Ayaa La Dhisay 150 Sanno Ka Hor, Waxaanu Ku Yaalaa Deegaan ay Yuhuudu Ku Badantay,Maalinta Sabtida Ayaa Waxaa Machadka Taga Dad u Dhaxeeya 50 ilaa 60 Qof Sida ay Dadka Deegaanku Sheegeen.

Ninka Weerarka Qaadday Ayaa La Sheegay Inuu aad U Necbaa Dadka Yuhuuda Ah Isagoo Maalmihii Ugu Danbeeyay Baraha Bulshada Ku Faafinayay Weedho Ka Dhan Ah Yuhuuda.

Dalka Maraykanka Ayaa La Daallaa dhacaya Weerarada ay Gaystyaan Dadka Hubaysani, iyadoo Hubka Gacanta Dadka Ku Jiraana aanu Tiro Lahayn Isla Markaana aanu Jirin Sharci Xakameeyaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga