Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka somaliya ayaa mooshin ka dhan ah madaxweyne maxamed cabdillaahi farmaajo u gudbiyay gudoonka baarlamaanka.

“waxaanu gudbinay mooshin aanu xilka kaga qaadayno madaxweyne farmaajo” ayuu yidhi cabdi kariim buuh oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka keenay.

Dastuurka somaaliya ayaa dhigaya in 92-xildhibaan ay keeni  karaan mooshinka  xilka lagaga xayuubinayo madaxweynaha, Baarlamaanka  Soomaaliya  oo ka kooban 275-xildhibaan, ayaa la filayaa in todobaadka soo socda uu dood ka yeesho arinta mooshinka.

Sidoo Kale mooshinka ayaa u baahan in ay meel-mariyaan saddex-Meeloodow  laba meelood  (2/3)  oo ka mid ah baarlamaanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga