Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuutii Ismaciil Cumar Geele oo Booqasho Ku Jooga Magaaladda Muqdisho ayaa Maanta ka Qayb Galay Munaasibad Lagu Daahfurayey Kalfadhigii Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabaysa Ka Jeediyey Madasha, ayaa Mahadnaq Kadib, Hadalo u Badnaa Waano iyo Dhiirigalin u Jeediyey Siyaasiyiinta Soomaalida iyo Xildhibaanadda Soomaaliya.

Madaxwayne Geele ugu Horayn Waxa uu isbarbardhig Ku Sameeyay, Micnaha ay Kala Turjumayaan, Dawlad iyo Xukuumad.

Dawladda ayuu Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele ku Tilmaamay Rukunadda ugu Waawayn ee uu Dal ku Taagan yahay, Halka uu Xukuumaddana ku Sifeeyay Mid Marna Joogta Marna tagta, marna la Doorto Marna la Rido.

Madaxwayne Geele Waxa uu sheegay in amaanada ugu wayn ee Siyaasiyiinta amaba Madaxda soomaalida loo dhiibay ay tahay, “ilaalinta Sharafta, Xoolaha Horumarinta Dawladda”

“Waxa aan Rabaa in aan soo Tabiyo Fariinta Nuxurkeeda, waxaa weeye midnimo iyo Amaano naloo Dhiibtay Waajibkeedana uu yahay in aan Marwalba amaanadaas Xasuusnaan, in dadkeena ugu liita Xasuusnaano in aan dadka ka Wax tabanaya Xasuusnaano sidii ay Xaqooda u Heli lahaayeen,  inaan Dhismihiisa ;Lagu kala Hadhin Waddanka in Difaaciisa aan loo kala hadhin in Horumarkiisa aan loo Kala Hadhin ” ayuu yidhi Madaxwayne ismaciil Cumar geele.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga