dhibaatooyinka biniaadamnimo ee ka jira dalka finisweela ayaa sanadihii ugu danbeeyay abuuray mid ka mid ah tahriibka ugu ballaadhan caalamka.
madaxweynaha dalka finisweela, nicholas maduru ayaa marar badan dawladaha reer galbeedka ku eedeeyay inay wadankiisa la galeen dagaal ganacsi, taas oo horseeday dhibaatooyinka ka jira dalkan ku yaala koonfurta ameerika.

shantii qof ee ka soo jeed finisweela 4 kamid ah ayaa ku nool nolosha faqriga, dadka ayaa safaf dhaadheer u galaa siday cunto u heli lahaayeen, qaar badan oo ka mid ah ayaa u dhinta dawo la’aan, iyadoo sicirbararkuna uu xadhkaha goostay.
qaramada midoobay ayaa dadka ka cararay dhibaatooyinka iyo faqriga finisweela ku qiyaastay 2.3 million oo qof, halka in kabadan 1 million ay 18kii bilood ee lasoo dhaafay u gudbeen dalka ay jaarka yihiin ee colombia, badi dadkaas ayaa sii mara biriishka Simón Bolívar.

biriishka ayaa dherer ahan gaadhaya 300m, halka baladhkiisuna uu dhanyahay 7m. biriishka ayaa dul dhaca wabiga tachira ee bariga buuraha andes, wabiga ayaa sidoo kale dhaca xadka wadamda finisweela iyo colombia.
biriishlka ayaa kala qaybiya labada tuulo ee San Antonio del Táchira oo ku taala dhanka finisweela iyo Villa del Rosario oo ku dhacda dhanka kolombiya.

maalin kasta markay gaadho shanta subaxnimo ayay dadka deegaanku ku war helaan saxmadda iyo gurxanka dadka ka gudbaya biriishka, oo noqota billawga maalin kale oo qulqulku halkiisa kasii socdo. markay ciidamada xadka ee kolombiya furaan xadka; dadka waxa la moodaa orodyahano loo fasaxay tartanka. badi dadka iyo shandadahooda ayaa lagu baadhaa halkan.

marka ay dadku ka gudbaan biriishka ee ay u talaabaan dhanka kolombiya, waxay gaadhaan meel la yidhaahdoo La Parada ama joogsiga, waa bulsho aan nasan oo lacag ka hela ganacsiga xadka. waxa laga helaa halkan dukaamo yaryar, farmasiiyo iyo meel laga raaco baabuurta oo u shaqeeya dadka tirada badan ee xadka kasoo gudba. badi dadka halkan ku ganacsada waxay kasoo jeedaan dalka kolombiya , sanadihii ugu danbeeyay waxa soo badanayay dadka reer finisweela ee ku ganacsada halkan iyagoo iskudayaya in ay weelka dhoobada ah ku iibiyaan halkan.
Dadka Ayaa Intaas Kadib Badankoodu Gala Dalka Marykanka Oo Ay Ku Tuhmayaan Nolol Dhaanta Tan Ay Ku Haysteen Dalkooda Finisweela, Waxay Sii Dhexmaraan Wadamo Kale Oo Ay Ku Jiraan Panama,Costa Rica, Guatemala Iyo Mexico.Kln

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga