Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibedda Britain Boris Johnson, Ayaa Maqaal Uu Qoray Waxa Uu Ku Jeesjeesay Haweenka Islaamka Ah Ee Xidha Niqaabka. Johnson, Ayaa Xidhashada Niqaabka Ku Shabahay Budhcadda Bangiyada Dhacda. Maqaalkan Oo Uu Ku Qoray Johnson Jariidadda Daily Mail, Waxa Ay Kicisay Mawjad Hadal Hayn Ah, Taasi Oo Ay Ka Hor Yimaadeen Siyaasiyiin Badan, Oo Qaarkood Ay Isku Xisbi Yihiin.

Xisbiga Conservative-Ka Ee Uu Ka Tirsan Yahay Iyo Waliba Xukuumadda Britain, Oo Ay U Kala Hadleen Guddoomiyaha Xisbiga, Brandon Lewis Iyo Raysal Wasaaraha Dalka, Tressa May, Ayaa Yidhi,..”Waa Inuu Boris Johnson Raalli Galin Ka Bixiyaa Wixii Uu Yidhi Maalinkii Isniinta.

Dad Badan Ayaa Hadaladiisan Ku Sifeeyay Mid Uu Ku Raalli Galinayo, Dadka U Janjeedha Siyaasadda Dhinaca Midigta, Waxaana Ay Sheegeen In Uu Doonayo Inuu Qaato Waddadii Donald Trump Uu Ku Gaadhay Madaxtinimada.

Boris Johnson, Xilkiisii Wasiirnimo Waxa Uu Iska Casilay Bishii Hore, Sababo La Xidhiidha Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Isaga Iyo Raysal Wasaaraha. Khilaafkaasi Ayaa Intiisa Ugu Badan Ay Ahayd Qaabka Ay Britain Uga Baxayso Midawga Yurub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga