Wasiirkii Horre Ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi Oo Shalay Madaxwaynaha Somaliland Uu Xilkii Ka Qaaday Ayaa Markii Ugu Horaysay Ka Dareen Celiyey Xilka Qaadistii lagu Sameeyay Iyo Waliba Xilka Cusub Ee Loo Magacaabay.

Yuusuf Maxamed Cabdi Waxaa Uu Sheegay In Uu Ku Ganacsanyahay Xilka Qaadista Lagu Sameeyay Sidoo Kalana Uu Soo Dhawaynayo Xilka Cusub Ee Madaxwaynaha Somaliland Uu U Magacaabay.

Wasiirkii Hore Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaan war-saxafeedka kasoo baxay ku faah faahin Sababka xilka Wasiirka Maaliyadda looga qaaday.

Madaxwaynaha somaliland ayaa malintii shalay isku shaandayn ku sameeyay Xubno kamida Xukuumadiisa, oo ay ku jiraan Labadda Wasaaraddood ee ugu Muhiimsan Somaliland, kuwas oo kala ah wasaaradda Arimaha dibadda iyo wasaaradda Maaliyadda.

Isku shaandaynta Madaxwaynaha somaliland uu ku sameeyay Xukuumadiisa ayaa Kusoo Beegmaysa, xili dhaleecayn aad u xoogan uu kala kulmaayey qaybaha kala duwan ee bulshada, taas oo salka ku haysay Habka saami qaybsiga xukuumadii uu soo dhisay Markii Loo doortay Madaxwaynaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga