Wasiirka Gashaadhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa Ku Dhaawaaqay In Uu Yahay Musharax U Taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Ayaa 9-Kii Bishan April Iska Casilay Xilka, Sida Xeerka Baarlamaanka Uu Dhigayana Ay Waajib Tahay In Booskaas Lagu Buuxiyo Mudo 15 Maalmood Ah.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya Ayuu Ka Dalbaday In Ay Codkooda Siiyaan Si Uu Ugu Guuleysto Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Uu Sheegay Inuu Leeyahay Khibradeeda, Kana Soo Bixi Karo Waajibaadka Saaran, Maadaama Hada Ay Jirto Dowlad Leh Hay’Adaheeda Dastuuriga Ah.
Shalay ayay Ahayd Markii Sheekh aadan Maxamed Nuur (aadan Madoobe) Oo Horey U Soo Noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax U Taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga