wasiirka Arrimaha Dibeda Dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf Ayaa Qoraal Uu Soo Dhigay Boggiisa Twitter-Ka Wax-Ba Kama Jiraan Ku Tilmaamay In Madaxweynaha Jabuuti Booqanayo Dhawaan Dalka Eritrea.

Wasiirka Ayaa Ku Tilmaamay Wararka Ay Baahiyeen Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta Kuwo aanay Waxba Ka Jirin, Isaga Oo Intaa Ku Daray In Wali aan Xal Laga Gaadhin Sida Uu Hadalka U Dhigay Qalalaasihii Dhinaca Xadduuda Ee Labada Dowladdood Jabuuti Iyo Ertirea.

Dowladda Jabuuti Ayaa Dhawaan Ka Codsatay Qaramada Midoobey In La Xaliyo Khilaafka Dhinaca Xudduuda Ah Ee Kala Dhaxeeya Dalka Eritrea.

Ertiea Iyo Itoobiya Ayaa Iyagu Soo Afjaray Colaad In Ka Badan 20 Sano Soo Socotay, Waxaana Hadda Muuqata In Xukuumada Asmara Mar Kale Dib Usoo Ceshan Doonto Maqaamkeedii Ay Ku Laheyd Qaarada Iyo Guud Ahaanba Caalam-Ka Intiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga