Ciidamada kacaanka dalka iran ayaa qabsaday mid ka mid ah maraakiibta shidaalka qaadda ee dalka ingiriiska oo marayaya gacanka ay xiisaddu ka taagantahay ee hurmuz.

Ciidamadu waxay shegeen in markabkani uu ku gafay shuruucda caalamiga ah ee badaha.

Markabka stena impero ayay qabteen ciidamada kacaanku kadib markii uu iska dhaga tiray, jabiyayna shuruucda caalamiga ah, ayaa lagu yidhi qoraal lagusoo daabacay websiteka ciidamada ilaalada kacaanka iran.

Warkan qoraalka ahaa ayaa lagusii daray in markabka loo gudbiyay maamulka dekedda hormozgan, si loo mariyo ayay yidhaahdeen sharciga.

Markabka ayaa la qabtay abaara 7:30 fiidnimo ee habeenimadii jimcaha. Iyadoo shirkadda iska lahayd oo lagu magacaabo stena bulk-na ay sheegtay in aanay hadda la xidhiidhi karin markabka.

Wasiirka arimaha dibadda ingiriiska, jeremy hunt, ayaa digniin culus u diray dalka iran.
Wasiirka ayaa ku hanjabay in cawaaqib aan la mahadini ay xigi doonaan hadii aanay iran si dhakhso ah u fasaxin markabkan laga leeyahay dalkiisa.

Iran ayaa u muuqata in ay ingiriiska ka aargoosanayso, maadaama mid ka mid ah maraakiibteeda saliida ay wali jasiiradda gibraltor ku haystaan ciidamada ingiriisku.

Marinka hurmuz oo ah kan ugu muhiimsan caalamka ee la mariyo shidaalka ayaa noqday marin xiisad culusi ka taagantahay tan iyo markii uu maraykanku cunaqabatynta saaray saliida dalka iran.

Iran ayaa u muuqata mid aan u dulqaadanaynin in saliideedu ay xanibnaato, isla marakaana marinka ay jaarka la tahay ay is nabdoon uga gooshaan saliida wadamada ay is hayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga