Magaaladda Muqdisho Waxaa Gaadhay Wafdi ay Horkacayeen Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ee Dalalka Itoobiya Iyo Eritrea.

Wararka nagasoo Gaadhaya Magaaladda Muqdisho Ayaa Sheegaya in saacadaha soo socda ay Wada Hadal Saddex Geesood ah Yeelan Doonaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ee Soomaaliya, Itoobiya Iyo Eritrea.

Wafdigan maanta Soo Gaadhay Magaaladda Muqdisho Ayaa Sidoo Kale Kulan La Yeelan Doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxda Dalalka, Soomaaliya, Itoobiya Iyo Eritrea Ayaa Wadamada Geeska Afrika Bilihii La Soo Dhaafay Ka Waday Dadaallo Lagu Soo Af-Jarayo Muranadii Xudduudaha Ee Gobolka,iyagoo Taasi Bedelkeedana Wada Qorshayaal Horumarineed.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga