Maamulka Isbitaalka SOS ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Ilmo yar oo la xaday 24 Saac kaddib markii ay hooyada ku umushay Isbitaalka.

Cunuga la xaday oo wiil ahaa kuna dhashay isbitaalka Khamiistii aynu soo dhaafnay ayaa la xaday Jimcihii shalay xiliggii Salaada Maqrib sida uu warbaahinta u sheegay agaasimaha guud ee Isbitaalka SOS Maxamed Macalin Dhaqane.
Agaasimaha ayaa intaa ku daray in dhacdadan waxba ka quseyn isbitaalka isaga oo sheegay in cunaga yar ay xaday gabar kale oo la soctay Hooyada dhashay.

‘’Ilmaha yar markii la xadayay Hooyada dhashay wey Huruday waxaa la joogtay gabadha markii horeba la timid Isbitaalka oo ah tan la tuhusan yahay in ay Ilmaha yar qaadatay’’ ayuu yiri Dhaqane.

Maxamuud Sheekh Axmed Maxamed oo ah wiilka la xaday awoowgiis ayaa sheegay in Saldhiga degmada Huriwaa ay ka diiwaangeliyeen kiiska si loo raadiyo haweenayda ilmaha yar xaday.

Lama garanayo sababta keentay in la xado Ilmo dhowr saacadood uun dhalan, waana dhacdo ku cusub marka la eego inta badan isbitaallada magaalada Muqdisho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga