Waxay ahayd shirkaddii ugu horraysay ee diyaaradeed taas oo uu ku xardhanaa calanka
Soomaaliya ee cirka u eg, Somali Airlines, oo fikraddii lagu aasaasay ay lahaayeen reer
galbeedku, gaar ahaan dalalka Maraykanka, Talyaaniga iyo Jarmalka, ayaa noqotay
diyaarad u kala gooshta gudaha dalka iyo dibaddiisaba iyadoo mararka qaarna madaxdii
dalka u xambaari jirtay dalal fog fog.

Maraykanka, ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ugu deeqa saddexdii
diyaaradood ee lagu aasaasay shirkaddii Somali Airlines, dalka Jarmalka ayaa Soomaaliya
u tababaray duuliyeyaal diyaaradeed, iyo shaqaalaha arrimaha duulimaadyada, halka
dawladda Talyaaniguna bilaabeen samaynta dhabbaha dayuuraduhu ka haadaan ee
magaalada Muqdisho.

Sannadkii 1984-kii, ayaa duulimaad ka kacay magaalada Muqdisho oo ay lahayd
shirkadda Somali Airlines kaasoo numberkiisu ahaa 414 nooceeduna ahaa Boeing 707 la
afduubay, duulimaadkaas oo ku waajahnaa magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya
ayaa sii marayay magaalada Berbera.

Markii ay dayuuradduu cagaha laabtay ee ay cirka gashay cabbaar door ah, ayaa waxaa
si u kasid ah kursigiisii qaybta madaxda iyo dadka ladan ee diyaaradda amaba derejada
koowaad (First class), uga soo kacay Kabtan Cawil Cadami Burhaan oo katirsanaa
ciidamadii asluubta Soomaaliyeed iyo Maxamed Xaaji Axmed, waxaa kale oo afduubkaas
ku wehelinayay nin lagu magacaabo Baashe Muuse Maxamed.

Saddexda nin af-duubka gaystay ayaa horraantii hore iska caabbin kala kulmay qaar
kamid ah shaqaalaha diyaaradda, balse markii ay xabadi kadhex dhacday diyaaradda
dhexdeedii ayuu xaalku is bedelay, iyagoo si buuxda gacanta ugu dhigay maamulka
diyaaradda.

Waxay codsadeen in diyaaradda loo duuliyo dhankaas iyo magaalo madaxda Yemen-ta
Koonfuureed ee Cadan, balse Cadan ayaa diidday inay diyaaraddu kusoo degto, cabbaar
ay diyaaraddu wareegaysay badda cas, waxay aakhirkii caga-dhigatay gegida
diyaaradaha ee magaalada Addis ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Cawil Cadami, oo magaalada Addis kula hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu daallan
yahay, balse uu saaxiibkii Baashe warbixinta siin doono, Baashe ayaa sheegay inaanu
ujeedkoodu ahayn inay dad aan waxba galabsan dhibaateeyaan, balse ay rabaan oo
keliya inay badbaadiyaan dhallinyaro arday ahaa kuwaasoo la dilayo berri oo Axad

ahayd, iyaguna ay diyaaradda af-duubeen maalintaas oo sabti ahayd, taasoo dedaal
dheer oo ay dawladda Talyaanigu ka odayaysay lagu baajiyay dilka dhallinyaradaas.
Telefishanka qaranka Soomaaliya, ayaa baahiyay markii ay diyaaraddu kusoo noqotay
magaalada Muqdisho, taasoo dhammaan 120-kii qof ee saarnaa ay nabad qabeen,
waxaana madaarka kaga hortegay madax sar sare oo uu hogaaminayay madaxwayne
Maxamed Siyaad Barre.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga