Waxaanu Warbixintan Ku Eegi Doonaa Dhacdooyinka Ruxanka Lahaa Ee Soo Maray Dalka Soomaaliya Lagasoo Bilaabo Colaadihii, Afduubyaddii Iyo Dadaalladda Loogu Jiray Sidii Looga Gudbi Lahaa.

Hawlgalkii Faragelinta Aadminimadda Ee Somalia (December 1992)

Dhamaadka Xilligii Xafiiska Uu Fadhiyey Madaxweynihii Maraykanka, George H.W.Bush (Bushka Weyn) Ayaa Amray In Kumanaan Ciiddamo Maraykan Ah Loo Diro Dalka Somalia, Kuwaasi Oo Horseeday Dadaalkii Qm Ee Lagu Xaqiinayey In Kaalmooyinka Cuntadda La Gaadhsiiyo Dadkii Ku Macluulsanaa Somalia.

Xilligaas, Somalia Waxaa Ka Jiray Colaad Beeleedyo Markii La Riday Jeneral Mohamed Siyaad Barre.

Hawlgalkii Maraykanka Ayaa Waxa Laga Leexiyey Hadafkiisa Ahaa Samafalka, Waxayna Madaxa La Galeen Dagaallo.

Dagaalkii Muqdisho (October 1993)

Markii Jid-Gal Lagu Dilay 24 Nabad-Ilaaliyayaal U Dhashay Dalka Pakistan Bishii June Ee Sanandkii 1993-Kii, Ciiddamadda Qm Ee Joogay Gudaha Somalia Waxay Nacayb Liddi Ku Ah Kala Kulmeen Hoggaamiye-Kooxeedkii Mohamed Farah Caydiid.

Dagaalkii Muqdisho Ayaa Lagu Xusuustaa Hawlgalkii Ay Ciiddanka Khaaska ah ee Maraykanka Ee Us Army Rangers Iyo Delta Forces Ee Ay Ku Qabsadeen Qaar Ka Mid Ah Taageerayaasha Jeneral Caydiid.

Labo Diyaaradaha Helikoptarada Nooca Black Hawk Ayaa Lagu Toogtay, Laguna Soo Riday Muqdisho Gudaheedda.

Waxaa Dillaacay Iska Horimaadyo Lagu Dilay 18 Askari oo Maraykanka u dhashay Iyo Boqolaal Soomaali Ah.Dagaalkaasi Waxaa Laga Sameeyey Filim Loogu Magac Daray Black Hawk Dawn.

Madaxweynihii Maraykanka Ee Xilligaas, Bill Clinton Ayaa Ciiddanka Maraykanka Ka Soo Saaray Somalia.

Dhacdooyinka Dhiigga Badan Ku Daatay Ayaa Keentay Inaysan Dowladda Maraykanka Ku Degdegin Faragelinta Colaadaha Dalalka Shisheeye.

Afduubkii Captain Phillips (April 8-12, 2009)

Burcad-Baddeed Soomaali Ah Ayaa Ka Macaashay Sharci La’aanta Ka Jirta Dalka Xiligaasi, Waxaanay Qaadeen Boqolaal Weerar oo ay ku beegsanayeen Maraakiibta shisheeye ee Isticmaalayey Badda Somalia.

Mid Ka Mid Ah Maraakiibta Ugu Muhiimsan Ee Ay Qafaasheen Ayaa Ahaa Markabka Xamuulka Ee Maersk Alabama Oo La Qafaashay Bishii April Ee Sannadkii 2008-Dii.

Bishii April 8-Dii, Afar Burcad-Baddeed Hubeysan Ayaa Ka Qabsaday Markabkaasi Meel Ku-Dhawaad 380 Miles Ka Baxsan Xeebaha Somalia.

Markii Ay Ku Guul-Daraysteen Inay La Wareegaan Maamulka Markabkaasi , Waxay Burcaddii Qabsadeen Kabtan Philips, Oo Ay Muddo Dhowr Maalmood Ku Haysteen Dooni Yar.

Bishii April 12-Dii, Ciiddamo Khaasa Oo Maraykan Ah Ayaa Gudaha U Soo Galay Doonida Lagu Haystay Captain Philips, Waxay Dileen Saddex Burcad-Baddeed ah, Waxay Nolol Ku Qabteen Hal Burcad, Waxayna Soo badbaadiyeen Captain Philips.

Hawlgalkaasi Waxaa Markii Dambe Laga Sameeyey Filimkii Caan Baxay Ee Captain Phillips.

Diyaarad Uu La Socday Mudane Ka Tirsan Kongareeska Maraykanka Oo Hoobiye Lagu Soo Beegsaday (April 13, 2009)

Senotor Donald Payne Oo Ka Tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga Ee Maraykanka, Lagana Soo Doorto Gobalka New Jersey Ayaa bishii April Ee Sannadkii 2009-Kii Booqasho Ku Yimid Somalia, Isagoo Iska Dhega Tiray Talo Ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka Uga Digtay Inuusan Booqanin Somalia.

Waxa Uu La Kulmay Madaxweynihii Cusbaa Ee Xilligaas, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xilli Ay Diyaaraddii Siday Xildhibaanka Maraykanka Ay taagnayd Garoonka Muqdisho Ayaa Waxaa Ku Soo Dhacay Hoobiye.

Si Dirqi Ah Ayuu Senotor Donald Payne Uga Badbaaday Duqeyntaas Oo Ay Ururka Alshabaab Ka Dambeeyeen.

Mar Uu Telefishinka CNN Ee Lagga Leeyahay Waddanka Maraykanka ay Ka Wareysteen Senotor Donald Payne Safarkaasi Khatarta Ahaa, Waxa Uu Sheegay Inuu aad U Danaynayey Inuu Booqdo Somalia , Isagoo Muddo Saddex Sanno Ah Gacan Ka Geysanayey Dhismaha Dowladd Cusub Oo Somalia yeelato Xilligaasi.

Dilkii Hoggaamiyihii Alshabaab (September 2014)

Dowladda Maraykanka Waxay Muddo Sannooyin Ah La Dagaalamayeen Dagaalyahannadda Alshabaab, Oo ay U Adeegsadeen Duqeyn dhinaca Cirka Iyo Hawlgallo Ay Fuliyeen Ciiddanka Gaarka Ee Maraykanka.

Bishii September Ee Sannadkii 2014-Kii, Milliteriga Maraykanka Waxay Sheegeen Inay Hawlgal Ka Fuliyeen Gudaha Dalka Somalia, Laguna Dilay Hoggaamiyihii Alshabaab, Ahmed Godane Oo Ahaa Mid Ka Mid Ah Ragga Ay Maraykanka aad Uga Baadi-Goobayeen Gudaha Qaaradda Afrika.

Maraykanka Waxay Ahmed Godane Ku Eedeeyeen Inuu Ka Dambeeyey Falal Lagu Dilay Saraakiil Soomali iyo Maraykan isugu Jiray, Shaqaale Samafalkja ka Shaqaynayey Iyo Weerarkii Sannadkii 2013-Kii Lagu Qaaday Dhismaha Ganacsiga Ee Westgate Ee Magaalladda Nairobi.

Laakiinse, Dilkiisa Ma Xagal Daacinin Hawlgalladda Ay Alshabaab Ka Wadaan Mandiqadda.

Bishii April 2015-kii, Dagaalyahanno Ka Tirsan Alshabaab Waxay Ku-Dhawaad 150 Qof Oo U Badan Arday Ku Dileen Jamaacadda Garissa Ee W/Bari Dalka Kenya.

Danjirihii Ugu Horreeyey Oo Ay Maraykanka U Soo Magacaabeen Somalia In Ka Badan 20-Sanno (February 2015)

Maamulkii Madaxweynihii Hore ee Maraykanka Barack Obama Waxay Ku Naaloonayeen Sidii Loo Xoojin Lahaa Xidhiidhkii Somalia iyo Maraykanka.

Bishii January Ee Sannadkii 2013-Kii, Waxay Dowladda Maraykanka Aqoonsatay Dowladda Federalka Somalia, Waana Aqoonsigii Ugu Horreeyey In Ka Badan 20-Sanno.

Bishii February Ee 2015-kii, Madaxweyne Obama Waxa Uu Katherine S. Dhanani U Soo Magacaabay Safiirkii Ugu Horreyey Ee Maraykanka Ee Somalia Tan Iyo Bilowgii Sannadihii 1990-aadkii.

Dowladda Maraykanka Waxay Sheegtay Inay Rajaynayso Inuu Dadaalkaasi Muujinayo Inuu Soo Hagaagayo Ammaanka Somalia.

Ciiddan Maraykan ah Oo Tiro Yar Ayaa Dhowrkii Sanno Ee La Soo Dhaafay Ku Sugnaa Dalka Somalia, Kuwaasi Oo Amisom Iyo Ciiddanka Dowladda Federalka Taageero Ka Siinayey Dagaalka Ay Kula Jiraan Alshabaab.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga