Ilaa iminka laba qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay laba qarax oo waaweyn oo ka dhacay Magaaladda Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, halka sideed qof oo kalena la sheegay in ay ku dhaawacmeen.

Dhimashadan iyo dhaawacan ka dhashay qaraxyadda ka dhacay Hudheelka lagu magacaabo Dusit hotel complex oo ku yaala Magaaladda Nairobi ayaa waxa faahfaahin ka bixiyay masuuliyiinta cusbitaalka ee la soo gaadhsiiyay maydadka iyo dadka ku dhaawacmay qaraxa iyo weerarka is xigxigay ee ka dhacay Hudheelkaasi.

Qaraxan ayaa waxa sheegatay masuuliyadiisa kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kuwaas oo hore weeraro uga geystay Gudaha Dalka Kenya, waxaana ilaa iminka gudaha ku jira afar nin oo hubaysan kuwaas oo la aamisan yahay in ay yihiin dadkii weerarka soo qaaday..

Dhinaca kale dad goob Joogeyaal ah ayaa iyaguna xaqiijiyay in ay arkeen dad dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay qaraxaasi.

Ciidamada Booliska ee dalka Kenya ayaa goor horeba soo gaadhay halka uu qaraxu ka dhacay, hasayeeshee halkaasi ka socday weerar laxaad leh oo ay isweydaarsadeen dadka weerarka soo qaaday iyo ciidamada Boolisku.

Waxa la arkayay haweeenay ay lugta ka dhaawacan oo ka soo baxaysa Hudheelka, saddex nin oo hudheelkaasi ka soo baxay iyaga oo uu dushooda qariyay dhiiig badani, halka qaar ka mid ah shaqaalaha hudheelkaasi markii uu qaraxu dhacay isla markaana rasaastu ay bilaabantay ay ka soo dhaceen daaqada hudheelkaasi.

“Waxa aan maqlaynay qarax weyn ka dib markii bob lagu soo tuuray gudaha, ka dib waxa aan aragnay burburka muraayaddaha” sidaas waxa Wakaalada wararka ee Reuters U sheegay Geoffrey Otieno oo shaqeeya Xarun jidhka lagu qurxiyo oo ku taala hudheelkaasi.

Wuu sii watay hadalkiisa waxaanu xusay in uu isku qariyay meel ilaa intii ay kooxaha gurmadku soo samata bixinayeen.

Taliyaha ciidamada booliiska Kenya Joseph Boinet ayaa sheegay in dad badan ay kasoo daad gureeyeen dhismaha, hase yeeshee waxa uu qiray inuu jiro khasarae xooggan.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga