Toddoba bilood ka hor, xayiraada hawada, badda iyo Dhulka ayaa lagu soo rogay Qatar taas oo ay kusoo rogeen waddamada dariska ah.hadaba Waa kuwan isbeddelladii ugu dambeeyay ee Maanta lagaga hadlay Shirka Ammaanka ee Munich

Shirkii Amniga ee Munich ee Jarmalka, ayaa amiirka Qatar ka digay in dhibaatada Qadar-Gacanka ay wiiqayso ammaanka gobolka iyo aragtida dhaqaalaha.

“Waxay ahayd qalalaase aan dhammaad lahayn, oo ay soo saareen wadamada dariska ahi,” ayuu yiri Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

“Kuwani dagaal gardaro ah ayay wadaan waxay doonayaan in ay isticmaalaan dowlado yaryar oo waliba isku dhacyada ka dhex abuuri kara waana mid aan muhiim u ahayn danaha dadka Bariga Dhexe si loo xaqiijiyo madax-bannaanida dowladaha sida Qadar,” ayuu raaciyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga