Labo Qarax Oo Ayaa Maanta Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho Gaar Ahaan Agagaarka SYL Isgoyska Beerta Nabada.

Wariyeyaal Tagay Goobta Ayaa SAAB TV U Xaqiijiyay In Ay Arkeen Meydadka Rag Ku Labisnaa Dareyska Ciidamada Laakiin Loo Maleynayo In Ay Ahaayeen Dabley Qaraxyada Kaddib Iska Horimaad Uu Dhaxmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Goobta Qaraxu Ka Dhacay Waxaa Yaala Barkoontarool Oo Laga Ilaaliyo Amaanka Madaxtooyada Soomaaliya, Waxaana Labada Qarax Kaddib La Maqlay Rasaas Xooggan Oo U Muuqatay In Ay Is Weydaarsadeen Ciidamada Dowladda Iyo Dableydii Weerarka Soo Qaaday.

Wali Lama Xaqiijinin Dhimashada Ay Sababeen Labada Qarax, Hasse Ahaatee Gadiidka Gurmadka Deg Deg Ah Ayaa Goobta Ka Qaaday Dad Ay Waxeello Soo Gaadhay.

Hay’Addaha Ammaanka Soomaaliya Ayaan Wali Warbaahinta La Hadlin, Waxaana Lagu Waddaa In Goordhow Ay Goobta Yimaadaam Mas’Uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga