Waddo Burburtay Oo Ay Ku Dhinteen 18 Ruux

18 Ruux Ayaa Ku Dhintay Dad Kale Oo Baddana Waa Ay Hoos Xanniban-Yihiin Kaddib Markii Ay Waddo Dhulka Ka Sarraysa Ku Duntay Magaalada Varanasi Ee Dalka Hindiya.

Waddada Duntay Ayaa La Sheegay In Uu Dhisme Ku Socday Markii Ay Qayb Ka Mid Ah Duntay, Waxaana Furnayd Oo Gawaaridu Adeegsanayeen Waddo Kale Oo Hoos Marta.

Shaqaale Ka Socda Gurmadka Degdegga Ah Ayaa Sheegay In Ilaa Iyo Hadda La Helay 18 Ruux Oo Mayd Ah.

Waxaa Socda Gurmad Lagu Baadigoobayo Dadka Wali Ku Hoos Jira Gawaadhida, Balse Tiradooda Iyo Xaaladda Ay Ku Sugan Yihiin Ayaan Wali War Laga Haynin.

Sawirro Iyo Muuqaallo Laga Qaaday Dhacdadan Ayaa Muujinaya Gawaadhi Iyo Bas Ku Hoos Xaniban Burburka Oo Ay Dad Ku Jiraan.

Warbaahinta Ayaa Ku Warramaysa In Tiro Dad Ah La Badbaadiyay Iyaga Oo Badqaba, Iyadoo Toddobo Wiish Ay Daabuleen Qaar Ka Mid Ah Shubabkii Soo Dumay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga