Wada-hadalladii arrimaha ganacsiga diirrada Lagu saarayay ee Washington uga socday Marekanka iyo Shiinaha ayaa ugu dambeyn guul darro ku dhammaaday,iyadoon wax natiijo ah aan laga gaafhin qodobbadii laga wada-hadlayay.

Waxyaabaha shirka uu quseeyay ee la isku fahmi-waayay waxaa ka mid ah sidii xal loogu heli lahaa badeecadaha kala duwan ee ay dowladda Shiinaha u soo dhoofiso dalka Maraykanka iyo sidii xal looga gaadhi lahaa fikradaha Marekanku leeyahay ee ay xaddo dowladda Shiinaha.

Kulankan oo markiisi horaba la qiyaasayay inan si dhow is afgarad looga gaadhin ayaa sidoo kale waxyaabaha la isla soo qaaday ee aan go’aanka laga gaadhin waxaa ka mid ah in Shiinaha uu furo suuqa ganacsi, waxaana xusid muddan Shiinaha suuqa ugu weyn ee uu heysto inuu yahay Mareykanka.

Mareykanka wuxuu cadho weyn ka muujinaya in Shiinaha uu caadeystay inuu xaddo fikradaha Mareykanku leeyahay , waxa laga doonayo Shiinaha ayaana ah inay sharciga caalamiga ah u hoggaansanaato.

Isfaham-waaga shirkan uu ku dhammaaday ayaa sabab u noqday in canshuur dheeraad ah oo %25 ah lagu soo rago badeecadda ay Shiinaha keennan Mareykanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga