Hay’adda sirdoonka dibadda ee dalka maraykanka ayaa badhitaanka kiiska wariye Khashoggi soo af-jartay maanta oo sabti ah.

CIA-du waxay dhaxal sugaha Sacuudiga mohamed bin salmaan ku eedaysay inuu amray in la dilo wariye jamal Khashoggi oo si wayn u dhaliili jiray tallaabooyinka mohamed bin salman.

Jamal oo ahaa wariye ka tirsan wargeyska Washington post ee kasoo baxa magaalada washington ayaa la waayay 2-da bishii october xili uu galay gudaha qunsuliyadda sucuudiga ee Magaaladda Istanbul.

Sucuudiga ayaa qirtay in Khashoggi lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda walaw uu iska fogeeyay in uu wax ka ogaa shirqoolka lagu dilay.

Baadhitaanka oo ay in muddo ah waday hay’adda CIA-du ugu Danbayntii waxaa ay daaha-ka-fayday in dhaxal-suge mohamed bin salman ka danbeeyay dilkan dunida sida wayn looga cambaareeyay, laakiin dawladda sucuudiga ayaa beenisay baadhitaanka CIA-da, inkasta oo ay hay’addu sheegayso in ay hayso caddaymo ku filan in shirqoolka lagasoo maleegay boqortooyada sucuudiga.

Warkan ayaa koongareeska maraykanka u saamixi doona inay maamulka Trump ku cadaadiyaan inuu kiiskan ku ciqaabo xulafada ay isku dhawyihiin ee sucuudiga.

Maamulka Trump ayaa usbuucan gudihiisa 17 shakhsi oo lagu tuhmayo inay lug ku lahaayeen dilka Khashoggi kusoo rogay xanibaad, Laakiin xildhibaanada ayaa xukuumadda Trump ku riixaya inay joojiso hubka ay ka iibiso boqortooyada.

Sucuudiga ayaa todobaadkan gudihiisa sheegay in 5 Kamida kuwii Loo xidh-xidhay oo la aaminsanyahay inay qayb qaateen dilka wariyaha iyagana lagu xukumay dil toogasho ah, laakiin warkan ayaan qancin inta badan dadka danaynaya kiiskan oo raadinaya doorka ay boqortooyadu ku lahayd shirqoolka oo ay iska fogaysay.

Madaxweyne ku xigeenka maraykanka oo ku sugan dalka papua new guinea ayaa baadhitaanka kadib xusay in dawladda maraykanku ay la xisaabtami doonto dadka ka danbeeyay dilka.

Danjiraha sucuudiga u fadhiya washington ayaa wariyaha la dilay u sheegay inuu tagi karo turkiga iyo safaaradda si ammaana, sida uu ku waramay wargeyska Washington post. Safiirka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku beeniyay inay wada hadleen Khashoggi.

Salah oo kamid ahaa wiilasha uu dhalay Khashoggi ayaa janaasadda aabihii kala qaybgalay dadka magaalada jeddah maalintii shalay, iyada oo meelo badan oo caalamka kamid ah ay ka dhacaday, sida dalka turkiga.

Natiijada baadhitaanka hay’adda CIA-da ayaa dhalinkarta in kiiska Khashoggi uu waji cusub yeesho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga