Waxaa imika lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta maamul-goboleedka Jubbaland,
madaxwaynaha la doortay mudane Axmed Maxamed Islaam ‘’Axmed Madoobe’’.

Axmed Madoobe, ayaa markii saddexaad loo doortay madaxwaynaha maamul-gobolkeed
Jubbaland, isagoo kusoo baxay wareeggii koowaad ee doorashada, helayna codod dhan 56 cod. Canab Maxamed Daahir ayaa noqotay murashaxa labaad iyadoo heshay codad dhan 17 cod, halka murashaxa saddexaadna uu yahay Maxamuud Muxumed Cumar oo loo yaqaan ‘’Kuuloow’’, isagoo helay hal cod. Beesha caalamka iyo dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa hore uga walaacsanaa inay natiijadu sidan ku dambayn doonto.

Dhinaca mucaaradka ayaa iyana doorasho ay qabsadeen, waxay xilka madaxwaynaha Jubbaland u doorteen, Cabdirashiid Maxamed Xiddiga, kaasoo ay u doorteen madaxwaynaha Jubbaland, doorashadan maanta bilaabantay ayaa guud ahaan socotay saacad keliya, ayaa kusoo gebagebowday Jubbaland oo laba madaxwayne mar lagaga wada dhawaaqay.
Axmed Maxamuud Yuusuf

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga