Tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay hawl-galada ay wadaan ciidamada miltariga ee dalka sudan ayaa sii kordhaya.

Mucaaridka sudan ayaa sheegay in ugu yaraan 60 lagu dilay rabshadaha imika kasocda magaalada caasimadda ah ee khartum, halka boqolaal ka;lana ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada milatariga ee dalka sudan ayaa bilaabay hawlgal ay si khasab ah ugu kala dirayaan dadka bilaha ka hor mudaharaadaya banaankla hore ee xarunta ciidadma dalkan ku yaala waqooyibari qaarada afrika.

Ciidamo tiro badan ayaa lagu daadiyay wadooyinka magaalada caasimadda ah ee khartum. Iyadoo hore uu milatarigu u sheegay in dadka mudaharaadaya ay ku hoos dhuumanayaan wax ay ku sheegeen kooxo aan haybtooda la aqqoon.

Qaraar ay wadeen dawladaha jarmalka, ingiriiska, iyo faransiiska oo ay hor keenayeen qaramada midoobay ayaa fashilmay kadib markii ay is hortaageen dawladaha shiinaha iyo ruushku.

Madaxa miltariga taalda haya ee dalka sudan ninka lagu magacaabo abdulfatah alburhan ayaa xusay in ay diyaar u yihiin wadahal ay la galaan hogaamiyayaasha dibadbaxyada iyo kooxaha mucaarikda ah.

Maalintii shalay ahayd ayay sheegeen in ay joojiyeen wadahadlkii ay kula jireen mucaaridka iyagoo doorasho muddo 9 bilood lagu qabtana shaaciyay. Balse imika waxay mar labaad furayaan wadahadlkii mucaaridka kala dhexeeyay oo ay xal u arkayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga