Turkiga ayaa cambaareeyay hanjabadda iyo cabsida Shiinuhu ku haayo dadka muslimiinta ah ee qabiilka Wiguuru (Uighur), taas oo la tilmaamay in ay  ceeb ku tahay xagga bini aadanimada.

Dawladda Turkiga sheegtay in si aan sharci aheyn xerooyin gaar ah loogu hayo dad ka badan Malyan Muslimiinta Dalkaasi ah.

Turkigu waxa uu ku baaqeen in Shiinaha ay joojiyaan Wax uu ku Sheegay jidh dilka iyo xasuuqa dadka muslimiinta ah ee Dalkaasi loo Gaysanayo, isla markaana Albaaba loo laabo xerooyinka lagu hayo dadka laga tiradda badan yahay ee Wiguuru.

Madaxweynaha dalka Turkiga  Recep Tayyip Erdogan ayaa hore ugu eedeeyay Shiinaha in ay dadka Wiguuru ku hayaan xasuuq, inkasta oo uu weli Wanaagsan yahay xidhiidhka ka dhexeeya labadaasi da.

Muslimiinta Wiguuru ee dalka Shiinaha ayaa la tilmaamay in ay soo wajaheen ama ay heystaan cadaadis la mid ah  kan ka jira Galbeedka dalka Shiinaha.

Gobolka Xinjiang ayaa hooy u ah dad gaadhaya 10-milyan oo muslimiin ah, kuwaas oo ka dhigan 45% dadka halkaasi.

Qaar ka mid ah wadamada islamka ayaa sidoo kale dawladda shiinaha ugu baaqay in joojiso cadaadiska ay ku hayso muslimiinta Dalkiisa. Hay’adda amest internanional  Ayaa xustay in ay ka walaac santahay Kiisaska dhimashada ee lagasoo sheegayo xeryaha ay dawladda shiinuhu ku ooday muslimiinta dalkaasi.

Dawladda shiinaha ayaa Beenisay Dhaamaan eedaymnaha loo jeedinayoo iyadoo sheegtay in dadkan aan lagu samayn wax jidhdil ah, balse kaliya ay xarumaheedu yihiin kuwo dhaqan celin ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga