Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa Heshiiska Therese May ee ka Bixitaanka Midawga Yurub ku Tilmaamay Mid aan u Fiicnayn ganacsiga Waddankiisu La Leeyhay Dalka Ingiriiska.

Trump ayaa War-Tabiyeyaasha u Sheegay in Heshiisku uu Guul u yahay Midawga Yurub isla Markaana aanu Ingiriisku awwoodi Doonin In uu La Macaamilo Dalka Maraykanka.

Qodobka Tobnaad ee Hashiiska ayaa dhigaya in dalka Ingiriisku uu awwood u yeelan Doono Inuu Heshiis Ganacsi La galo Dal Kasta oo Ku Yaala Dunida, Sidoo Kale Ra’iisal Wasaaraha Ingriiiska therese May, Ayaa Diyaar u ah in Dood ay Ku Difaacayso Heshiiska Iskaga Hor Yimaadaan Hogaamiyaha Mucaaridka Jeremy Corbyn Sida uu Sheegay Madaxa Xafiiskeeda Downing Street.

Dooda ayaa La Qaban doonaa 9-Ka Bisha December oo ku Beegan Laba Maalmood Ka Hor Wakhtiga uu Baarlamaanka Ingiriisku u Balansan yahay in uu Cod u Qaado Heshiiska.

Madaxweynaha Maraykanka Trump oo Warbaahinta Kula Hadlayay Gudaha Aqalka Cad ayaa Yidhi “Hadaad Eegto Heshiiska, Ingiriisku Ma Awwoodi Doono Inuu Macaamil Ganacsi La Sameeyo Maraykanka, Taasina Maaha Arrin Wanaagsan Umana Malaynayo Inay Sidaas u Jeedaan”

Madaxweyne Trump ayaa u Muuqda in uu aaminsanyahay in Heshiiskan aanu Saamixi Doonin Ganacsi Xor ah oo dhex Mara Wadankiisa iyo Dawladda Ingiriiska.

Madaxa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa Sheegay in Faalada Trump aanay ahayn Siduu u Malaynayo, Xidhiidhka Ganacsi ee Maraykenka iyo Ingiriiska Kaas oo uu ku sheegay Mid sii Socon Doona.

Wasiir David Lidington ayaa isna Xusay In Maraykanku uu yahay Waddan Ku adag Wadaxaajoodka Isla Markaana uu Madaxweyne Trump Isticmaalo Siyaasadiisa uu Danta Marykenka Ka Horaysiinayo Dankasta, Sidaa Si La Mid ahna ay Ra’iisal Wasaaraha Ingiriisku Markasta Eegi Doonto Danta Dadka Biritishka ah.

Faallooyinkan ayaa Kusoo Beegmaya Xili ay Xildhibaanda Labada Aqal ee Baarlamaanka Ingiriisku ay Caambaareyeen Heshiiska Therese May oo ay Sheegeen in aanay Dani ugu Jirin Waddanka Ingiriiska, iyagoo Xusay in uu Xadidayo Dhaq-dhaqaaqa Ingiriiska.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga