Madaxweynaha dalka maraykanka, donald Trump ayaa soo bandhigay qorshayaal cusub oo ku aadan gidaarkii uu doonayay in uu ka dhiso xadka waddamada Mareykanka iyo Mexico, si uu usoo afjaro khilaafka baahsan ee ka dhashay lacagta lagu dhisayo darbigaas ee uu miisaaniyadda ku darsaday, balse xisbiga dimuqraadiga ayaa diiday soojeedintiisa cusub.

Trump ayaa sidoo kale u muuqda in uu ka soo debcay mowqifyadii adkaa ee uu ka taagnaa dadka muhaajiriinta ahi, gaar ahaanna kuwa iyaga oo da’yar sharci darro lagu geeyay Mareykanka balse wali waxa uu dalbanayaa ku dhawaad lix bilyan oo doolar oo uu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha gidaarka uu doonayo in lagu kala xidho Mareykanka iyo Mexico.

Trump oo ka hadlayay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in muddo saddex sano ah oo dheeraad ah loo ogolaanayo in ay Mareykanka sii joogaan oo ay ka shaqeystaan muhaajiriinta iyaga oo da’yar sharcidarro lagu keenay gudaha Mareykanka.

Xildhibaanada xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku gacan saydhay dalabka Trump ee ah in uu dhaqaale u helo dhismaha gidaarkaasi. Hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda ayaa saameeyay 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha dowladda dhexe.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in dadka soogalootiga ahi ee sida kumeel gaarka ahi loogu ogolaaday in ay dalkaasi ku sii noolaadaan uu siinayo muddo kordhin saddex sano ah.

Inkabadan 300,000 oo qof oo ka kala yimid waddamada ay colaaduhu ragaadiyeen ayaa haatan si ku meel gaar ah loogu ogol yahay in ay ku noolaadaan isla markaana ka shaqeystaan gudaha Mareykanka, waxaana madaxweyne Trump uu in muddo ah doonayay in dadkaasi dalka laga musaafuriyo.

Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay guddoomiyaha aqalka Kongareeska, Nancy Pelosi, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa lagu sheegay in qorshaha Trump uu yahay mid aan la aqbali karin oo horeyba loo diiday isla markaana uusan daacad ka ahayn.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga