Madaxweynaha dalka maraykanka, donald trump ayaa qariyay macluumaadka kulan uu sanadkii hore la yeeshay madaxweynaha dalka ruushka Vladimir putin, sida uu ku waramay wargayska washington post ee kasoo baxa magaalada washington ee dalka maraykanka.

Warbixinta wargeyska washington post ayaa imanaysa laba maalmood kadib markii wargeyska kale ee nytimes uu daabacay in hay’adda damibaadhista ee dalka maraykanku ay furtay baadhitaan ay ku xaqiijinayso xidhiidhka ka dhexeeya madaxwyne trump iyo dalka ruushka.

Baadhitaanka ayay hay’adda FBI-du doonaysaa inay ku ogaato in trump uu xidhiidh la leeyahay aqalka kiriminiilka ruushka iyo inuu ka shaqeeyo danaha dalka ruushka, sida lagu sheegay warbixinta u daabacay wargeyska nytimes.

Madaxweyne trump ayaa dhaleecayn u jeediyay wargayska daabacay sheekada baadhitaanka, sidoo kalana wuxuu xusay in aan wax cadayn ah loo heli doonin eedaymaha loo jeedinayo.

Madaxweynayaasha maraykanka iyo ruushka ayaa bishii july ee sanadkii hore kulan ku yeeshay magaalada helsinki ee dalka finland. Madaxweyne trump ayaa ka dalbaday turjumaankii joogay kulanka in aanu bixin wax macluumaad ah oo ku saabsan wixii ay ka wada hadleen madxweyne putin, sida uu qoray wargeyska washington post.

Madaxweyne tump oo khadka tilifoonka waraysi ku siiyay talafishanka foxnews ayaa tibaaxay in warbixintani ay tahay tii ugu liidatay ee uu arko. Wuxuu iska fogeeyay in uu u shaqeeyo dalka ruushka.

Xidhiidhka madaxweyne trump iyo dalka ruushka ayaa ah mid si wayn loo hadal hayay tan markii trump loo cumaamaday talada maraykanka.

Doorashadii uu ku soo baxay trump ayaa la sheegay in uu ruushku samayn ku lahaa, iyadoo lagu eedeeyay in uu u dhacay hanaanka doorashada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga