Maamulka Madaxweynaha Maraykenka Donald Trump ayaa diiday in ay jawaab ka bixiyaan Codsi uga yimi aqalka sare ee baarlamaanka dalkaasi.

Aqalka sanadka ayaa Aqalka cad ee looga Arimiyo Maraykenka ka dalbaday in uu usoo gudbiyo warbixin dhamaystiran oo la xidhiidha ciddii dishay wariye jamal Khashoggi.

Bishii December ee Sanadkii Hore ayuu sanadka Maraykenku aqalka cad ka dalbaday in la baadho dilkii Khashoggi, isla markaana ay macluumaad dhammystiran horkeenaan aqalka.

Maamulka Madaxwayne Trump ayaa ka cago jiidayay in ay warbixintaas u gudbiyaan aqalka odayaasha, iyadoo ay xidhiidh dhaw leeyihiin boqortooyada sucuudiga.

Xildhibaanada Dimuqraadiga ayaa Trump ku canaantay in aanu tallabbo ku haboon ka qaadin boqortooyada sucuudiga oo ay dul hoganayso fadeexada dilka wariye Khashoggi.

Jamal Khashoggi oo kasoo jeeday dalka Sacuudi Carabia ayaa ahaa wariye wax ku qora Wargeyska kasoo baxa magaalda DC ee washington Post. Waxaa la waayay horaanta bishii October ee sanadklii hore mar uu galay gudaha qunsuliyada sucuudigu uu ku leeyahay Magaalada istanbul ee dalka Turkiga.

Warka dilkiisa ayaa Maalmo kadib qabsaday warbaahinta dunida, halka boqortooyada sucuudiguna ay ugu danbayntii aqbashay in lagu dhex-dilay gudaha qunsuliyada ay ku leedahay Magaalada istanbul.

Khashoggi ayaa si wayn u dhaliili jiray dhaxal sugaha boqortooyada sucuudiga ninka lagu magcaabo Mohamed bin salmaan oo sirdoonka Maraykenka ay uga shakiyeen in uu amray falka lagu khaarajiyay Khashoggi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga