Kim Jong Un hogaamiyha kuuriyada waqooyi ayaa gaadhay magaalada hanoi ee caasimadda dalka Vietnam kadib maalmo uu tareen usoo saarnaa magaaladan oo uu ka dhacayo kulan dhex mari doona isaga iyo donald trump, madaxweynaha Maraykenka, trump ayaa isaguna goordhawayd gaadhay magaalada hanoi.

Kim ayaa lagusoo dhaweeyay magaalada dang dong ee ku taala xadka ay Vietnam la wadaagto dalka shiinaha, isagoo soo maray safar dhulka ah oo uu kagasoo jarmaaday dalkisa, waxaanu sii dhexmaray shiinaha.

Madax sare oo ka socota dawladda Vietnam ayaa kusoo dhaweeyay xarunta tarenada ee magalada dang dong.

Isagoo ku labisan dirayska lagu yaqaano ee madawga ah, ayuu kim kasoo dagay tareenkiisa aanay xabaddu karin ee u eeg kii uu raaci jiray aabihii.

Kim Jong Un ayaa loo galbiyaya magaalada hanoi oo 170-km u jirta magalada dandong.

Kim ayaa la dajiyay hudheel lagu magacaabo melia, oo aan sidaa uga fogayn safaarda uu dalkiisu ku leeyahay magalada hanoi.

Wuxuu booqasho ku tegay saafarada iyadoo boqlaal qof oo raadinaya aragiisana ay soo buux mdhaafiyeen wadooyinka.

Maalinta barri ah ayaa la rajaynayaa in ay kulmi doonaan kim iyo trump.

Badhtamha sanadkii hore ayay ku kulmeen dalka singapore iyagoo qodobo badan ku heshiiyaay balse aan wali la meelmarin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga