Gaadhi ay wateen koox falastiiniyiin ah ayaa rasaas ku furay dad israa’iliyiin ah oo ku sugnaa bariga magaalada raamallah oo ku taala daanta galbeed ee yuhuudu haysato, sida ay ku warameen ciidanka israa’iil.

Ugu yaraaan sideed qof oo yuhuud ah ayaa lagu dhaawacay weerarka, halka mid ka mid ah dadkaas la sheegayo inuu qabo dhaawac culus.

Rasaasta ayaa lagasoo riday gaadhi wadada marayay isagoo la beegsaday dadka dhaawacmay oo ku sugnaa xarun basaska laga raaco. Ciidamada israa’iliyiinta ayaa rasaas ku furay gaadhiga looga shakiyay inuu weerarka gaystay, balse kumay guulaysan inay gacanta kusoo dhigaan, iyagoo wali baadigoobaya dadkii ka danbeeyay weeararka sida ay ciidanku sheegeen.

Kooxaha caafimaadka ayaa tibaaxay in gabadh yar oo 21-jir ah uu soo gaaadhay dhaawac culus, iyagoo intaa ku daray in dadka dhaawaca ah ay ku jiraan laba caruur ah oo da’doodu tahay 16 sanno.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee noociisa ah tan iyo 26-kii bishii november, markaas oo nin falastiini ahi uu gaadhi jiidhsiiyay ciidamo israa’iiliyiin ah, halkaas oo uu ku dhaawacay saddex askari, kadibna ciidamada israa’iill ay dileen ninka weerarka gaystay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga