Kaabuul:(SAABTV)- Ugu yaraan 63 qof ayaa geeryooday, kadib weerar is qarxin ah oo lagu qaaday xaflad aroos oo ka dhacaysay daanta galbeed ee caasimadda waddanka Afganistaan ee Kabul, tirada dadka ku dhaawacmay, ayaa cagacagaynaysa 182 qof, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka dawladda Afghanistan ninka magaciisa layidhaa Feroz Bashari.
Kooxda Daalibaan, ayaa iska fogaysay qaraxyadan, iyadoo cambaarayn xoogganna dhakada kaga tuurtay.
Dad badan oo lagu soo casuumay xafladda arooska ayaa ku geeryooday goobta, iyadoo la
aaminsan yahay inay boqollaal qof kujireen hoolkii xafladdu kasocotay.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan, ayaa sheegay inaan la aqoon
sababta rasmiga ah ee ka dambaysa weerarradan, balse baadhitaan socdo.
Kooxda Daalibaan iyo ururro argagixiso yaryar ah, ayaa falal sidanoo kale ah hore u gaysatay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga