Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ingiriiska Therese May ayaa Maanta u Safraysa Magaalada Baraasalis ee Dalka Belgiumka oo La Filayo In Maalinta Barri ay isugu Yimaadaan Madaxda Midawga Yurub, si ay u Saxeexaan Heshiiska Kama-Danbaysta ah ee Dalka Ingiriisku Kaga Baxayo Yurub Inteeda Kale.

Tharese May ayaa La Kulmi Doonta Madaxda ugu Saraysa Midowga Yurub Kahor Intaanay Hogaamiyayaasha 28-ka Dal aanay Ka Arinsan Heshiiska ugu Danbeeya.

Dawladda Spain ayaa ku Dhegan Heshiiskan Qabyada ah Iyadoo Sheegtay in aanay Ka Qaybgalaynin Shirka ilaa Inta Dalka Ingiriisku uu Miiska Keenayo Arinta Jasiirada ay Ku Muransanyihiin Labada Dal, Jasiiradan oo Lagu Magacaabo Gibraltar ayey Ku nool yihiin Dad Lagu Qiyaasay 30-Kun oo Qof Iyadoo Dadka Jasiiradani ay 96% ay u Codeeyeen in ay Kasii Mid Ahaadaan Midawga Yurub, Jasiirada ayay Sheegataaa Dawladda Spain Laakiin Waxa Maamusha Dawladda Ingiriiska.

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Spain, Pedro Sanches ayaa Ku Hanjabay in Dawladdisu ay Is-Hortaagi Doonto Saxeexitaanka Heshiiska Hadii aan La Xalin Arinta Jasiirada.

Ra’iisal Wasaare May ayaa Maanta Lagu Wadaa Inay is-Arkaan Madaxweynaha Gollaha Yurub Jean-Claude Juncker, iyo Hogaamiyaha Midawga Yurub Donald Tusk, Halka Maalinta Barri Ahna ay Hogaamiyayaasha Yurub Isugu Imanayaan Shir madaxeed Gaar Ah si ay Wadaxaajood uga Galaan Labada Qodob ee ugu Muhiimsan Barnaamijka Kabixitaanka Yurub Ee Ingiriiska, Kan Koobaad; Waa Arinta Siyaasadda oo Dejinaysa Sida uu Xidhiidhka Ingiriiska Iyo Midawga Yurub Noqon doono Marka Ingiriisku Ka Baxo Midawga Intiisa Kale, Iyadoo ay Kawada Hadli doonaan Arimaha Ganacsiga iyo Ammaanka. Qodobka Labaad ayaa ah Heshiiska Rasmiga ah oo Ka Kooban 585 Bog.

Hadii Midawga Yurub uu Meelmariyo Heshiiskan, Ra’iisal Wasaare May Waxay Sidoo Kale u Baahan tahay Taageerada Baarlamaanka Dalkeeda.

Baarlamaanka Ayaa Cod u Qaadi Doona Heshiiska Bisha December ee Sanadkan. Xisbiga Labourka ayaa Sheegay in ay Kasoo Horjeesan doonaan Heshiiska, Hadii Baarlamaanka Ingiriisku uu Diido Heshiiskan Waxa Sidoo Kale Hor-Istaagi Doona Baarlamanka Yurub.

29-Ka Bisha March ee Sanadka soo socda ayuu Ingiriisku si Rasmi ah uga Baxayaa Yurub, Ka-Bixitaanka Ayaa Dhici Doona Xataa Hadii aan Heshiiska La Saxeexin, Laakiin Heshiiska Dheer ee Ganacsiga ayaa Shaqayn doona Mudada Kala Guurka oo Dhamaanaysa Bisha December Ee Sanadka 2020-Ka.

Sidoo Kale, Hadii Heshiiskan ay Xukuumadda Tharese May Ku Guul-Daraysato in La Meel-Mariyo; Waxa Dhici Karta in Afti Kale Ama Doorasho Guud La Qabto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga