Raysal Wasaaraha dalka ingiriiska ayaa wajahaysa cadaadiskii ugu waynaa intii ay xafiska la wareegtay.

Theresa may ayaa laba jeer ku guul daraysatay in Baarlamaanka dalkeeda ay ka dhaadhicso qorshaha ay xukuumadeedu Wadato ee ingiirksu uu kaga Baxayo midawga yurub.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ingirska ayaa u soo jeedinaya in ay Xafiiska Banayso, ama ku Dhawaaqdo in ay is casili doonto kadib meel marinta qorshaha ay imika Wadato ee Baarlamaanku ku diidanyahay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare may ayaa war kasoo baxay waxa lagu sheegay in aanay jirin wax is casilaada oo ay Raysal wasaaruhu go’aansatay, iyadoo wararka qaarna ay tibaaxayaan in golaheeda wasiiradu aanay ku qanacsnayn qorshayaasheeda.

Wali ma cada in Theresa may ay mar sadexaad Baarlamaanka hor gayn doonto heshiiskii ay ku diideen. Balse waxa la filayaa in todobaadka danbe uu Baarlamaanka cod u qaadi doono meel marinta heshiiskaas, iyo in ingiriisku uu la yimaado qorshe kale.

Dhanka kale, Boqolaal kun oo qof ayaa iskusoo baxay magaalada London iyagoo dalbanaya in mar kale la qabto Afti kale oo shacabku ay ku go’aansadaan in ingiriisku uu kasii mid ahaado midawga yurub iyo in uu ka baxo.

Hubaal la’aanta siyaasadeed ee dalka ingiriiska ayaa kor usii kacaysa xili ingiriska lasiiyay muddo kale oo uu dhexdiisa kusoo arinsado, kadibna qorshe buuxa ula yimaado madaxda midawga yurb.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga