Raysal wasaarha dalka ingiriiska theresa may ayaa wada qorshe kale oo ingiriisku uu kaga bixi karo midawga yurub, kadib markii ay ka badbaaday mooshin xil-ka-xayuubin ahaa oo baarlamaanku cod u qaaday xalay.

306 xildhibaan ayaa u codeeyay in xukuumada theresa may meesha ka baxdo, halka 325 kalana ay ogolaadeen in ay xafiiska joogto.

Baarlamaanka ingiriiska ayaa diiday heshiiska theresa may ay la gaadhay madaxda yurub oo ay ku tilmaameen in aanay dani ugu jirin dalka ingiriiska. Theresa amay ayaa barnaamij ka duwan kan lagu diiday hor keeni doonta baarlamaanka sida ay sheegtay.

Raysal wasaare may ayaa tibaaxday in ay wadahadal la bilaabayso axsaabta dalka, si looga midha-dhaliyo heshiiska uu ingiriisku kaga baxayo yurub inteeda kale.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ingiiiska ee labourka, jeremy corbyn ayaa wada hadalka ay theresa may ku dhawaaqday ganafka ku dhuftay, isagoo sheegay in aanu ka qaybgalli doonin, wuxuu ka biyo diidsanyahay qorshaha Theresa may ee ku wajahan barnaamijka brexit.

Jeremy corbyn wuxuu soo jeediyay in xukuumada may meesha laga saaro, isla markaana doorasho guud wadanka laga qabto.

21 bishan aynu ku jirno ayay tahay in Raysal wasaare may ay qorshe cusub ula timaado baarlamaanka, iyadoo sheegtay in aanu ahayn arin sahlan. Kadib codka loo qaaday xukuumadeeda, ayaa iyadoo ka hadlaysa xafiiska downingstreet waxay tibaaxday in xildhibaanada baarlamanku ay gudanayaan waajibkooda ayna ka shaqaynayaan danaha ingiriiska.

Midawga yurub ayaa danaynaya in ingiriisku kasii mid ahaado midawga, halka gudaha ingiriiskana aanay wali isla afgaran arin sugan.

Bishii june sanadkii 2013-kii ayay dadka ingiriisku %51 u codeeyeen in ay ka baxaan midawga yurub, iyadoo 29ka bisha march ee sanadkan ay ku beegantahay xiligii loo asteemayay in ingiirsku dabada ka noqdo yurub inteeda kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga