Madaxweynaha Dalka Tanzaaniya, John Magafuli, ayaa Saxeexay Heshiish Lagu Dhisayo Dhaam Wayn oo Laga Dhalin doono Koranto, iyadoo Lagu Wado in uu Mashruucani noqdo Kii ugu Waynaa ee Laga Hirgaliyo Bariga Qaarada Afrika, Isagoo Qaadanaya Dhul Cabirkiisu Dhanyahay 1;200km oo Jibaaran.

Dadka u Ololeeya Arimaha Deegaanka ayaa Si Wayn u Cambaareeyay Dhaamkan oo Laga Dhisayo Deegaan ay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO ay u Aqoonsatay Boqcad Ka Mid ah Dahxalka Dunida.

Laba Shirkadood oo Laga Leeyahay Dalka Masar ayaa Ku Guulaystay Qandaraaska Mashruucan oo ay Ku Kacayso Aduun Lacageed oo Lagu Qiyaasay $3bn, iyadoo Laga Dhisayo Wabiga Rufiji.

Dawladda Tanzaaniya ayaa Sheegaysa in Mashruucani uu Kor u Qaadi Doono Horumarkeeda; Isla Maarkan ay Laban Laabi Doonto awooda Korontada ee Dalkan Ku Yaala Bariga Qaaradda Afrika.

Dadka Reer Tanzaaniya ayaa Saddex-Meeloodaw Meel (1/3) Helaan Koronto Ku Filan.

Hay’adda Marka Magaceeda Lasoo Gaabiyo Loo Yaqaano WWF, ee Ka Shaqaysa arimaha deegaanka ayaa Xustay in Mashruucani uu Dhaawici doono nolosha Dad Gaadhaya 200-Kun oo Qof, Kuwaas oo Isugu Jira Beeralay iyo Kaluumaysato Ku Dhaw Deegaanka Dhaamka iyo Dhulka Laga Dhisayo.

2017-Kii ayay Hay’addu Sheegtay in Mashruucani uu Keeni Doono Cadho-Guur, isla Marakaana uu Dilayo Xayawaanka Duurjoogta ah ee Ku Nool Harada oo Soo-Jiidan Lahaa Dalxiisayaasha. Sidoo Kale, Hay’adda ayaa Tibaaxday in uu Mashruucu Hoos-u-Dhigi Doono Nafaqawga Ciida, Taas oo Khatar Ku ah Dadka Beeeralayda ah.

Deegaanka Mashruuca Laga Fulinayo, ayaa Hoy u ah Xayawaan Kala Duwan, oo ay Ka Mid Yihiin Maroodiga iyo Wiyisha oo Sanadihii ugu Danbeeyay Soo Yaraanayay Sababo La Xidhiidha Ugaadhsiga Ba’an ee Lagu Hayo. Maroodiga ayay Ha’aduu Sheegtay in %90 uu Hoos u Dhacay 40-Kii Sanno ee Lasoo Dhaafay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga