Hoggaamiyeyaasha Talyaaniga Iyo Faransiiska Ayaa Ku Boorriyay Midowga Yurub Inuu Abuuro Xarumo Magangelyo Oo Laga Sameeyo Afrika Si Looga Hortago Qaxootiga Iyo Muhaajiriinta In Ay Safar Ku Galaan Badda Meliterraneanka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron Iyo Ra’Iisal Wasaaraha Cusub Ee Talyaaniga Giuseppe Conte Oo Ku Kulmay Paris Maalintii Jimcaha Ayaa Ku Baaqay, In Xarumo Magangelyo Laga Sameeyo Africa.

Labada Hoggaamiye Waxay Sidoo Kale Ku Baaqeen Isbaddal Ku Yimaada Xeerarka Magangelyada Ee Midowga Yurub, Kuwaas Oo Culeyska U Saarnaa Soogalootiga Ay Kusoo Galaan Yurub – Badiba Talyaaniga Iyo Giriigga.

Waxaa Jira Calaamado Sheegaya In Hoggaamiyayaasha Yurub Ay Ka Midaydsan Yihiin Isbadalo Ku Yimaada Xeerarka Magangelyada Ee Midowga Yurub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga