Taliska Booliiska Somali ayaa soo saaray Amarro ay sheegeen in ay ku suganayaan Amniga Golaha Shacabka Somallia.

Afhayeenka Booliiska Somalia Qaasim Axmed Rooble Oo La Hadlay Warbaahinta Ayaa Sheegay In Xildhibaanada Baarlamaanka Ay Baadhitaano Mari Doonaan.

Waxa Uu Sheegay In aan Xildhibaanada Loo Ogolaan Doonin In Ay Gudaha Xarunta Golaha Shacabka La Galaan Hub.

Xildhibaanada Ayuu Tilmaamay In La Baadhi Doono, Lagana Reebi Doono Wax Waliba Oo Dhibaato Keeni Karo, Isagoona Xildhibaanada Ka Dalbaday In Ay U Hogaansanaadaan Amaradooda.

Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha Shacab Cabdi Wali Shiikh Ibraahim Muudey Ayaa War Uusoo Saaray Waxa Uu Hay’Adaha Amniga Ka Dalbaday In Ay Mas’Uuliyad Iska Saaraan Sugidda Amniga Xildhibaanada.

Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad Ee Golaha Shacabka Ayaa Dhankiisa Hay’Adaha Amniga Ugu Baaqay In Ay Ka Madax Banaanaadaan Xiisadaha Jira Sida Dastuurka Dalka Uu Dhigayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga