25 ruux oo maxaabiis ah iyo laba ka mid ah Ciidamada ammaanka ee dalka Tajikistan ayaa ku dhintay Xabsi ku yaalla magaalada Khujand ,ka dib shaqaaqo saacadihii dambe ee maalinimadii Arbacada ka dillaacday halkaasi sida warar laga helay ciidamada ammaanka ay u sheegeen warbaahinta caalamka.

Wasiirka Arimaha Gudaha dalkaasi ayaa sheegay in rabshadahaasi ay bilaabeen kooxo ka soo jeeda Daacishta oo weerareen ciidamada ilaalada xabsigaasi.

Saraakiil ka tirsan Tajikistan ayaa sheegay in la soo celiyay xaaladda amni ee xabsigaasi, halkaasina ay ku dhinteen 25-maxbuus iyo laba ilaalo ah

Magaalada Khujand waxa ay masaafo dhan 300-km Woqooyiga kaga beegan tahay caasimadda Dushanbe ee dalka Tajikistan .

Sanadkii 1997, isla magaaladaasi Khujand ciidamada ammaanka ee dalkaasi ayaa dilay 24-qof oo maxaabiis Ah ka dib markii halkaasi ay ka dillaaceen shaqaaqooyin gacan ka hadal ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga