Tababar ay ka qayb galayaan  ciidamada qaranka ee difaaca  Itoobiya , milatariga Mareykanka  iyo wadamada ay wada shaqaynta leeyihiin,   ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa , waxaana  ka qaybgalay talisyada ciidamada iyo shirkadda amaanka.

Tababarka oo socon   doona 17 maalmood , waxa  ka qayb qaadan doona ciidamo Milatari  oo kala socda dalalka Baraasiil, Burundi, Canada, Djibouti, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Rwanda, Soomaaliya, Uganda, Ingiriiska  iyo ururo kale oo caalami ah.

Carbiskani ayaa kor loogu qaadaya  awooda ciidamada ka qayb qaadanaya hawlgalada nabad ilaalinta iyada oo taageero la siin doono AMISOM iyo hagaajinta amaanka .

Waxa tababar la siin  doonaa suxufiyiinta, kooxaha  caafimaadka iyo kooxaha saadka  qaabilsan kuwaasoo gacan ka gaysan doona  inta lagu gudo jira hawlgalada nabad ilaalinta

Hadal furitaan ah uu jeediyey wasiiru dawlaha gaashaandhiga Itoobiya Fisha Weldesenbet , waxa uu sheegay in tababarka ay qaadan doonaan ciidamada kala duwani  uu fursad muhiim ah uu yahay wax lagaga qaban karo amaanka Geeska Afrika oo ay dhibaato ka jirto.

Waxa uu iftiimiyey in Geeska oo Afrika ku xidha Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya  uu sugi karo amaanka gobolka isla markaana  uu muhiimad istaraataji ah u leeyay aduunka

Wasiiru dawluhu waxa  uu sheegay in ay wejahayaan  argagixiso, qaxoontiga soconaya, xasaradaha barakaca guduhu keenay iyo khilaafyada qawmiyadaha iyo qabiilada.

Waxa uu intaas ku daray  in goobta uu ku yaalla juquraafi ahaan  oo xuduuhu iska galaan ay adag tahay in la  xakameeyo argagixisada iyo kooxaha hubeysan

Safiirka  Mareykanka  ee Itoobiya, Mike Raynor  waxa uu sheegay in tababarku Mid muhiim ah u yahay amniga gobolka, isla markaana uu taageersiinayo Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika oo sharci u haysta in ay taageeraan amaanka gobolka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga